Madaxweynaha Maraykanka Oo Inantiisa iyo Saygeeda U Wakiishay Xaflada Furitaanka Safaarada Cusub Ee Isra’il

Gabadha madaxweyne Trump Ivanka iyo seeygeeda Jared Kushner ayaa soo gaaray dalka Israel iyadoo isniinta berry ah magaalada Qudus laga furayo safaaradda cusub ee Mareykanaka. Labaduba waxa ay ka tirsanyihiin la taliyeyaasha sare sare ee aqalka cad waxa ayna ka qeyb gali doonaan xafladda furitaanka safaaradda.

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu muuqaal video ah ugu qudbeeyo ka soo qeyb galayaasha xafladda.Go’aanka uu Trump uga raraayo magaalada Tel Aviv safaaraddiisa ayaa ka careysiisay Falatiiniyiinta. Qorshahan ayaa la soo dedejiyay sabatoo ah waxaa lagu soo beegayay sanadguuradii 70-naad ee ka soo wareegatay markii la aasaasy Israa’iil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker