Qiimaha Shiidaalka Magaalada Burco Oo Kor U Kacay

Burco(OWN)- Waxaa Magaalada Burco   sarukac ku yimid qiimaha Batroolka, oo halka markii hore ahaa 8500 SH Somaliland uu hadda gaaray ilaa 15000 Sh Somaliland.

 

Wadayaasha gaadiidka ayaa   sheegay in sarukaca uu saameeyay oo aaney awoodin qiimahan cusub iyaga oo dalab u soo jeediyay xukuumadda.

 

Darawallada waxaa ay intaasi ku dareen in qiimaha lagu raaco Bajaajta ama Tax aaney waxba ku kordhin Karin, iyaga oo xukuumadda ka dalbaday inay hoos u dhigto qiimaha shidaalka.

 

Dhinaca kale, ganacsatada shidaalka   ayaa sheegaya in suuqa ay ka jirto Batrool yari taasina ay sababtay sarukaca shidaalka.

 

Dhawaan waxaa Somaliland soo galay shidaal wasaq ah, kaasi oo halleeyay gaadiid badan, wasaaraddana ay ku soo rogtay ganaax lacageed.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker