Pro: Cabdi Ismaaciil Samater oo fasilay Dhibaatada Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Wadamada Somalia iyo Kenya

Dawladda Kenya waxay dhowaan kordhisay cadaadiska dhinaca diblomaasiyadda ee ay saarayso Soomaaliya iyadoo garoonka Jomo Kenyatta Airport kasoo celisay wasiiroo iyo saraakiil Soomaali ah.

Kenya ayaa sidoo kale dib usoo rogtay in dhammaan duulimaadyada ka imanaya Muqdisho ay soo maraan Wajeer si loo baaro.

Soomaaliya waa ay ka jawaabtay tallaabooyinkaasi waxayna sheegtay inaysan ka turjumayn deris wanaag.

Haddaba waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Soomaaliya oo ah inay qorshe diblomaaisyadeed ka lahaato sida ay ula macaamilayso Kenya oo laga yaabo inay qaaddoo tallaabooyin kale.

Haaruun Macruuf ayaa inoo diyaariyey warbixintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker