War Degdeg ah: Dagaal-beeleedyo Culus Oo Kaqarxay Gudaha iyo Miyiga Degmada Ceel-afweyn ee Galbeedka Sanaag.

Ceel-afweyn(OWN) Subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxa dagaal-beeleedyo culus oo hub laysu adeegsadey waxay ka qarceen degaannada Dhiddinka iyo Siiga-dheer oo jahada koonfureed kaga beegan magaalada Ceerl-afweyn waxana sida lasheegayo dagaalladaas kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawaxba isugu jira.

 

Waxa sidoo kale dagaalkani isla gelinkii hore maanta ka bilawday gudaha magaalada Ceel-afweyn halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba dagaalkaasi geystey balse markii danbe ciidammada dawladda ee halkaas kusugani soo kala dhexgaleen.

 

Lamana oga ilaa iyo xilligan tirada dhabta ah ee dhimashada iyo dhaawacyada dagaalladan ka dhashay.

Xilii aannu isku  daynay inaannu wax ka weydiinno Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo Hargeysa kusugan ayaanay noo buurtagelin kaddib telefoonkiisa oo uu nagu dhigay awgeed.

 

Waxana wararku intaas kusii daayaan inay jirto cabsi laga qabo degaanno kale oo beelahani wada degaan in dagaallo noocan oo kale ahi ay ka dhacaan

 

Dagaalladan oo ah kuwo muddo dheer soo noqnoqonayey ayaa u dhexeeya laba beelood oo degaannada galbeedka Sanaag ku wada dhaqan waxana adkaatay xal u helidda iyo xakamaynta dagaalladan oo dhawr jeer oo hore xoogga la saaray sidii aaanay usoo noqdeen balse  taasi aanay noqon mid midho dhashay.

 

Sikastaba ha ahaatee inkastoo xukuumaddu ku mashquulsan tahay xakamaynta iyo xal u helidda dagaalladan haddana waxa xusid mudan inay meesha kujirto dal-aqoon la’aan iyo dad-aqoon la’aan badhasaabka gobolka Sanaag ka haysata guud ahaan dhinaca bulshada gobolkiisa ku dhaqan.

 

Oodweynenews.com/Ceel-afweyn

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker