Muwaadiniin Maraykan Ah Oo Laga Sii Daayey Xabsiyada Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay xabsiga ka siidaysay 3 muwaadhiniin Maraykan ah oo u xirnaa dowladdaasi.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo uu hawada kusoo jiro, diyaaradana ay la saaranyihiin 3 muwaadhiniintooda ah oo lagu hayay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Saddexdan qof ee heysta dhalashada Maraykanka ayaa lagu kala magacaabaa Kim Hak-song, Tony Kim iyo Kim Dong-chul, kuwaas oo lagu hayay xabsi ay ka jirto ciqaab daran oo shaqo.

Trump ayaase sheegay in ay u egtahay ‘in ay caafimaad qabaan’. Labo ka mid ah raggan waxaa la qabtay 2017-kii, midna 2015-kii, dhammaantoodna waxaa lagu eedeeyay falal lid ku ah qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Lahaanshaha sawirka AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker