Hami iyo Hagardaamo. W/Q: Abdirashiid Aw Muuse Aadan.

waa qoraal kooban oo aan ku yara cabirayo   dhibta inaga haysata  mashaariicda Dawliga ah ee Somaliland oo hadaad u kuur gasho iska noqonaya qaar Ku kooban Hami kaliya oo aan lahayn  bar dhamaad Bar bilow mooyee.
waxaad moodaa in bulshada reer Somaliland lagu Hagar daamaynayo Mashaariico Madhalays ah oo dhankaad ka eegtaba ahayn qaar laga dhe arki karo Faaida sax ah  oo bulshda u dana.  waxaan ka yaabay mashruuca la yidhaa ( Bebera Corridor ) oo kuutinayay mudo 14 sanao ka baddan oo ilaa hadana kolba la dhagax dhigayo oo aan dhaafin dhagax dhig .
waxaa la mida mashriicda biyaha Hargaysa  oo ilaa maalintaan garaadsaday  aan maqlaayay sanadka dambe Hargaysa biyo ku filan ayay helaysaa , hadaba waa maxay sababtu maxaase qaldan  mise mashriicdan baa ah qaar iska shaqsiyaysan oo aan ahayn qaar midha dhalaya oo dan guud looga faaiideeynayo , siday doontaba ahaatee waxaynu u muuqaana qaar aan mashaariicda dawligahi u hanaqaadin ee ay hagardaameeyaan halka ku privateka  ahi ay markiiba midho dhalaan waxaan qabaa in hadii biyah gacanta loo galin lahaa ganasato ay bari hore sidan dhaami lahayeen lacag badanba ha inaga siiyaanba e.
xukuumada Somaliland ee wakhtigan waxaa la gudboon in umada hagardaamadii hore aan loogu darin Hagardaame dambe oo loo sheego runta wixii mashaariic  ah ee ay fulinaysana loo fuliyo siday aya tahay hadii kale loo cadeeyo in aan waxba ka naasa cadayn oo ay iska yihiin uun sidii kuwii hore.  lasco waxaan xusi doona qaar kale ……..
W/Q: Abdirashiid Awmuse Adan
( Rashaad055@hotmail.com)/
063-4475540

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker