Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Wararka  ka soo baxaya khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

 

Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Bilan Magaalada Baydhabo, kadib markii ruux naftii halige ah oo waxyaabaha qarxa ku xirnaa uu halkaasi isku qarxiyay.

 

Illaa todobo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

 

Sidoo kale qaraxa labaad oo ka dhacay maqaayada Beder ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay illaa saddex ruux, waxaana tirada guud ee dhimashada qaraxyada ay gaarayaan illaa 10 ruux.

 

Qaraxa ka dhacay maqaayadan ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay nin nabadoon ahaa oo meesha fadhiyay iyo dad kale oo shacab ah.

 

Jawiga Magaalada Baydhabo ayaa ka duwan sidii hore, dadka ayaa ku wada xiriiraya taleefanada gacanta, si ay isaga tacsiyadeeyaan dhibka dhacay.

 

Qaraxyadan shacabka lagu laayay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo, ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalinta berri ah ay ku beegan tahay 14-ka October sanad kadib qaraxyadii Shacabka lagu xasuuqay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker