Maayarka Magaallo Ku Taalla Wadanka Jarmalka Oo ilkaha laga daadiyay

Inkasta oo uu hirdan culus oo siyaasadeed kaga adkaaday duqii muddada dheer majaraha u hayay magaalada Freiburg ee dalka Jarmalka, ayaa duqa cusub ee magaaladaas Martin Horn waxa uu la kulmay guuldarro nooc kale ah.

 

Xilli uu u dabaaldagayay guusha doorashada ayaa waxaa weerar kusoo qaaday nin, kaas opo ilkaha ka jabiyay. Mr Horn oo 33 jir oo ahaa musharax madaxbanaan ayaa sidoo kale sanka laga jabiyay, ilkahana gacmaha loo saaray, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka.

 

Duqii hore oo lagu magacaabo Dieter Salomon ayaa magaaladaas ka talinayay muddo 16 sano ah. Magaaladan Freiburg oo ah meel ay jaamacadaha ku badanyihiin ayaa waxa dadka ku nool ay u badanyihiin kuwa da’ yar ah.Booliiska ayaa baaraya ninka geystay weerarka isaga oo aanan la maagin.

 

Duqa cusub ayaa fariintiisa dadka ugu gudbiyay Facebook-ga , isaga oo taageerayaashiisa ka codsaday in aysan wax tallaabo ah ka qaadin ninka weerarka geystay. Duqii hore ayaa walaac ka muujiyay weerarka loo geystay ninka badalay, wuxuuna u rajeeyay in uu soo reysto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker