War Deg deg ah : Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muwdisho

 

 

Muqdisho (OWN) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dab xooggan ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay agagaarka Cabdalla Shideeyey, waxaana Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu dabka ku eg yahay illaa hadda meeshii uu ka kacay oo ah Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu dabka geystay Khasaaro Hantiyadeed inkastoo aan weli la sheegin inay jiraan Khasaaro nafadeed.

Baabuurta Dab damiska ayaa gaaray halka uu dabka ka kacay, waxaana ilaa hadda lala tacaalayaa sidii loo damin lahaa dabkaas oo laga cabsi qabo inuu ku faafo qeybo kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa mar kasta galo xaalad noocaan oo kale ah mana jirto illaa hadda waxa sababo dabka iyo cidda ka dambeyso.

Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco .. oodweynemedia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker