Dhiirrigelinta Geesiyaasheena !

Tan iyo intii uu arlada soo galay xanuunka Covid-19 Maalin kasta oo Khamiis ah marka ay Saacadu tahay Sideeda Fiidnimo waxa ay Dadweynaha reer UK isa soo hor tubaan afaafka hore ee guryahooda iyo daaradaha aqaladooda iyaga oo Sacab iyo dhawaaq isla oogsanaya si ay u dhiirri geliyaan Hawlwadeenada Caafimaadka iyo Laamaha Gurmadka Degdega ah iyo Shaqaalaha kala duwan ee safka hore kaga jira la dagaalanka Xanuunka Coronavirus.

Guud ahaan dadweynaha reer UK rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, iyo Madax iyo Mijo waxa ay Sacabkaas ay garaacayaan ay ku muujiyaan sida ay u ogsoon yihiin una garab taagan yihiin shaqaalaha dagaalka kula jira Cadawga Coronavirus.

Dhiirri- gelintaas iyo wanaaga ay Ummada reer UK u muujiyaan Laamaha Caafimaadka iyo Shaqaalaha Safka hore, waxay qalbi qaboojin iyo farxad gelin u noqotaa madaalayaashaas habeen iyo maalinba ku hawlan la dagaalanka Covid-19.

Hadaba inagu Ummad ahaan wax qadarin iyo dhiirri gelin ah marna ma tusnaa shaqaalaheena Caafimaadka, Macalimiinteena iyo Ciidamadeena Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan Daryeelka Caafimaadka, Waxbarida ubadkeena iyo ilaalinta Ammaankeena?

Waxaynu u baahanahay inaynu dhiirri gelino oo aynu is barbar taagno oo u mahad naqno shaqaalaheena masaakiinta ah ee iyaga oo aan mushaarooyin ku filan qaadan hadana inoo shaqaynaya habeen iyo maalinba, Ciidamadeena Geesiyaasha ah ee iyaga oo duruufo qallafsani ay haystaan hadana u taagan ilaalinta Nabadgelyadeena, Macalimiinteena Tamaashiirtu ay indho tirtay ee iyaga oo gaajada iyo darxumada u adkaysanaya hadana Sabuuradaha hor taagan subax kasta si ay carruurteena wax u baraan.

Waxaa la soo gaadhay xiligii aynu Geesiyaashaas tusi lahayn inaynu Abaal u hayno.

Ramadan Wanaagsan

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker