DIBQALOOC ABAALKIISU WAA QANIINYO , XISBIGA KULMIYENA ABAALGUDKIISU WAA QANIINYO

Nin aqoon yahan ah , oo gacan biyo ah , agtiisa fadhiya , oo daawanaaya nimcooyinka illaahay dunida ku manaystay , ayaa waxay indhihiisu qabteen DIBQALOOC gacankii biyaha ku dhacay oo hafanaaya oo sii qarqaaya , ninkii aqoonyahanka ahaa wuxuu go’aansaday in uu dibqalooca badbaadiyo , Gacantiisii buu isyidhi ku soo qabo dibqaloocii

Dibqaloociina wuu qaniinay , gacantii buu kala soo booday , isaga oo aad u qaylinaaya xanuun awgii . Hadana wax yar ka bacdi ayuu isyidhi , waar miskiinkan sidaa haku eegine badbaadi .
Gacantuu  isyidhi ku soo qabo , DIBQALOOCII hadana mar kale ayuu qaniinay .
Gacantii ayuu dib ula  soo booday , isaga oo hadana qaylinaaya xanuun awgii .
Hadana mar saddexaad ayuu isyidhi tijaabi  , bal inaad badbaadiso naftan sii qarqaysa .
Meel  agtiisa ah waxa fadhiyay nin kale oo arkaayay waxa dhacay oo la socday , ninkii oo  sare u qaylinaaya , ayaa waxa uu waydiiyay oo yidhi : waar ninyahaw waan arkaayay wixii kugu dhacay ee aad kala kulantay , hadaba miyaanad waxba ka baran wixii kugu dhacay , markii KOOBAAD ee aad gacantaada u fidisay bahaLkani wuu ku qaniinay , markii LABAADNA xanuunkii kula kulmay miyaad ilawday , Iminkana weli gacantaadii waad sii waddaa , ee miyaanad ka waantoobin .
Ninkii aqoonyahanka ahaa , isaga oo aan dan ka gelin dhaliishii ninku u soo jeediyay , waxa uu halkii ka sii waday , hawshii ahayd , sidii uu u badbaadin lahaa DIBQALOOCII .
Markii danbena wuu ku guuldaraystay in uu dibqaloocii badbaadiyo .
Kabacdina xaggii ninkii kale fadhiyay ayuu u dhaqaaqay , waxaanu ku yidhi :
Dabciga (dhaqanka) dibqaloocu waa inuu wax qaniino , ANIGANA dabcigaygu (dhaqankaygu) (dabeecadaydu) waa inaan wax badbaadiyo , LAAKIIN  nasiib daro ayaa dhacday maanta , oo ddibqaloocii waan badbaadin kari waayay , isagaana dibqaloocu u sabab ahaa , markaa  ninyahaw adigu waxaad ila doonaysaa , inaan dabciga (dabeecadda ) (dhaqanka ) dibqalooca aan qaato , oo kayga aan ka tago.
Hadaba DIBQALOOC abaal gudkiisu waa qaniinyo , XISBIGII KULMIYENA shacabkii somaliland ee doortay iyo ciddii gacan soo sii sayba , wuu wada qaniinay , oo cid badbaadin karaysaa maanta ma jirto .
Hadana xisbigii kulmiye wuxuu iminka doonayaa , in loo kordhiyo oo uu qaniinyooyinka sii badiyo .
Suurto gal miyay tahay , ii kordhiya aan idin qaniinee.
Suurto gal miyay tahay i doorta mar kale aan xoog idiin sii qaniinee .
Abaal gudkii xisbiga kulmiye wuxuu noqday qaniinyooyin , uu dalkii iyo dadkiiba u geystay .
Bal adba maxay kula tahay ?
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli @hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker