Maxkamada ku Taala Dalka Ireland Oo Xakuntay Nin Adeegsaday Baasaboor Somali Foojari ah.

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Macow ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taala dalka Ireland ,kadib markii lagu helay dambi ah in uu adeegsaday baasaboor Soomaali  aan sax aheyn.

 

Xasan Macow ayaa sanadkii 2011-kii isaga oo magan galyo doon ah iska dhiibay dalka Ireland, waxaana ninkan Maxkamada la saaray ku heshay in sanadkii 2016-kii adeegsaday baasaboor Soomaali Foojari ah .

Garsooraha Maxkamadda Eirinn McKiernan, ayaa sheegay in Xasan Macow adeegsaday baasaboor bug ah, waxa uuna garsooraha ku xukumay in uu bixiyo €300 oo lacagta Yuurada ah.

Xasan Macow ayaa sheega in baasaboorka looga soo sameeyay dalka Biljamka uuna lacag ku bixiyay, waxa uuna tilmaamay in uu u heestay mid sax ah balse uusan ka warqabin in baasaboorkaasi bug ahaa.

Maxkamada kutaala dalka Ireland ee lasoo taagay ninkan Soomaaliga ayaa sheegtay in damiin lagu sii daayay Xasan Macow , waxaana loo fasaxay in uu ka dhax shaqeesto basaska magaalada Dublin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker