Wasiirka Hawlaha Guud Somaliland oo ka Hadlay Shir Nabadeed la isugu Celiyay Hanti Ma-guurto ah

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud  iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ku guda jira socdaal shaqo oo uu ku joogo gobolka Sool, ayaa sheegay in magaalada  Qorilugud lagu qabtay shir nabadeed ay isugu yimaadeen wax-garadka  deegaanada Buuhoodle iyo Qori lugud oo la isugu celiyay  ma guurto muddadii ay colaadda  labada beelood socotay lagu kala qabsaday oo u badan qoryo, isla markaana lagu kala qaatay xabaalo qodka dadkii ku kala dhintay labada beelood, magtana laga balamay.

Waxa kale oo uu ka hadlay wasiirku ujeedada socdaalka uu ku joogo magaalada Laascaanood oo uu sheegay in uu la xidhiidho u kuur galka hantida ma guurtada ah ee gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood  ee isugu jirta Guryo iyo Dhul.

Wasiirka oo xalay khadka   faahfaahin ka bixiyay  hadal maalmihii u dambeeyay warbaahinta wabsaytyada iyo baraha bulshada ku badnaa oo lagu sheegayay in wasiirka Maaliyaddu hadal  gef ah ku yidhi bulshada gobolka Sool.

 

Ugu horrayn wasiirka oo ka hadlayay sida gobolku u roobban yahay iyo qasaare roobabku ay soo gaadhsiiyeen waddada isku xidha gobolada Somaliland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Togdheer, ayaa yidhi “guud ahaan gobolu  wuu roobban  yahay oo maanta meel kasta xareed ayaa jiifta, Taleex oo muddo badan aanu roobba helin oo abaar ba’ani ka jirtay xataa roobku  wuu helay. markaa guud ahaan gobolku wuu roobban yahay, nicmo ayaa u da’day. Roobabku waxay qasaare soo gaadhsiiyeen waddada isku xidha Burco illaa Laascaanood oo aad u goo go’day, waxaana hadda Laascaanood ku sugan oo jooga Maareeyihii hay’adda waddooyinka oo  hawlahaa u jooga, waxa kale oo roobku uu gooyay laamiga Tukaraq oo meel laamiga ah oo dhulka ka sarraysay ayuu roobku  hoosta ka qoday, waxaanay hoos u go’day ugu yaraan sadex mitir, waxaana waddadaa buuxiyay oo ka hawl galay ciidanka qaranka oo ay  gacan ka siiyeen  dadka deegaanku, waxaana lagu shubay illaa 27 lawdh oo dhagax ah iyo ciid in si toos ah loo sameeyana waa laga hawl gelayaa oo weliba deg deg ayaa looga hawl gelayaa.”

Wasiirka oo ka hadlayay shir nabadeed la isugu celiyay hanti ma guurto ah oo qoryo ah, laguna kala qaatay xabaalo qodka dad hore ugu kala dhintay beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud, waxaanu yidhi “waxaa maanta (shalay) lagu soo geba gabeeyay shir nabadeed aad iyo aad u qiimo badnaa magaalada Qorli-lugud oo ay iskugu yimaadeen wax-garadka Buuhoodle iyo Qorilugud oo la isugu celiyay wixii hanti ma guurto ahaa ee la kala haystay ee hore loogu kala qabsaday oo u badan qoryo. waxa kale oo la  kala qaatay xabaalo qodka dadkii ku kala dhintay colaaddii hore u jirtay ee labada beelood dhex martay, waxaana halkaa ka dhacay shir aad u weyn oo lagu farxo oo nabadeed. waddadii Qorilugud iyo Buuhoodlena sidii aanu  socdaalkii hore ugu soo furnay ayay u furan tahay, aad iyo aad ayaanan u hambalyaynayaa wax-garadka labada beelood ee shirkaa wada  yeeshay.”

 

 

Wasiirka oo ka hadlayay hantida ma guurtda ah ee magaalada Laascaanood iyo cidda gacanta ku haysa, ayaa yidhi “handtida ma guurtada ah ee gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, waan soo wada kormeerray, waxaanay u badan tahay oo ay gacanta ugu jirtaa inteeda badani dad  gaar ah,  hadday guryo tahay iyo hadday dhul tahayba, waxa kale oo jira dhul ama guryo la dhallan rogay oo si kale laga dhigay, markaa hawlaha aan hadda u socdo ayay ka mid tahay, inta aanan Laascaanood ka imaninna go’aan iyo qorshe dawladeed oo cad ayaa naga soo bixi doona.”

Wasiirka oo aanu waydiinay sida ay wax uga  jiraan hadal la sheegay in uu bulshada gobolka Sool  kiciyay oo uu yidhi Wasiirka Maaliyaddu, ayaa yidhi “horta anigu hadalka wasiirka maan dhegaysan, manaan daawan, laakiin dadka magaalada Laascaanood  hadal hayn badani kama dhex jirto.  dad reer Laascaanood ahina waxay ii sheegeen in hadalku uu yahay mid la googooyay oo la isu keen keenay oo laga shaqaystay. hadal wasiirku sida la sheegayo wuu u yidhina aanu  ahayn, intaa  wax ka badan oon  ka ogahayna ma jirto.”

Ugu dambayn waxa uu sheegay in Laascaanood wax badan laga qabtay, loona baahan yahay in wax badan oo kale oo ka dhimanna laga qabto, waxaanu yidhi “Laascaanood wax badan ayaa laga qabtay oo isguullo leh oo cisbitaalkii ayaa la dhisay, laakiin halka maanta dawladda hoose ay ku jirto iyo halka ay xarunta gobolku ay tahayba, maaha meelo u qalma in ay xarumo dawladeed ahaadaan, waxaana loo baahan yahay in wax badan oo kale oo gobolka ka dhimanna in la qabto, ka xukuumad ahaanna waxaa naga go’an wax kasta oo awoodda dawladda ah oo Laascaanood u baahan tahay in aanu u qabanno, waana go’aan Madaxweyne in  Laascaanood dalka intiisa kale la soo gaadhsiiyo dhan walba.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker