“Damaca Muuse Biixi Iyo Da’da Saleebaan Dalka Halis Bay Ku Yihiin”

Qormaddan Aqoonyahan Maxamuud Axmed Cali (Xaaji), Wuxuu Yidhi Siddan “Somaliland waxa xukumaya
Madaxweyne Muddo xileedkiisa ay ka hadhsan tahay 40 maalmood hadana ku mashquulsan sidii uu khalkhal iyo khiyaamo uga dhex abuuri lahaa Goleyaasha Kala Duwan iyo Dastuurka Madaniga ah ee dadka reer Somaliland ku heshiiyey oo Muuse Biixi wuxu aaminsan yahay hadii uu foodo iyo fidno ka dhex abuuro shacabkan masaakiinta ah iyo malaayiinkan saboolka ah inuu kursiga kusii fadhiyi karo,

geesta kale Somaliland golaha ugu sareeya waxa hogaamiya oday gaboobey oo garashiyo aqoon shalay lagu tuhmi jirey laakiin maanta Saleebaan Maxamuud Aadan waa sagaashan jir aan sax iyo khalad kala saari karin oo wuxu ubaahnaa xiligan in lanasiyo ama laga ilaaliyo buuqa iyo qaylada oo sida idiinka muuqata waraysiyada laga qaado labo kelmodood maxamili karo oo cay iyo cadhuu kaala hor imanayaa markaba,

hadal iyo dhammaan Somaliland maanta waxa ka muuqda talo xumo Siyaasaddeed iyo tacaddi ka soo burqana Golaha Fulinta iyo masuuliyiin aragti gaaban oo gunnada iyo xilka ay hayaan dartii wax walba usamayn kara tusaale waxa kuugu filan sida ay udhaxqamaan Guurtiddii iyo oday Saleebaan Golihii Wasiiradda iyo Siciid Sulub kii Warbaahinta lataagnaa isku dirka beelaha walaala ah xaqiiqdii cid gaara anigu maagi maayo balse waxaynu ubaahanahay hogaamiyayaal aragti fog oo Ummaddan jaah wareersan jaraha intay uqabtaan jaangooya halka aynu usocono ileyn kuma sii jiri karo ijiid aan ku jiidee”.

Fadlan Waa Noo Mihiim Ka Mid Noqoshadda Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. “MAHADSANID”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker