Jeneraal hore oo guul ka sheegtay doorashadi Indonesia

Kaddib bilooyin hubanti la’aan ah, ayay shacabka waddanka Indonesia ay saakay kusoo tooseen madaxweyne cusub, ka gadaal marki doorashadi Arbacadi dhacday uu guul ka sheegtay taliyihii hore ee ciidanka gaarka ah ah Prabowo Subianto.

Inkasta oo aanan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada doorashada, haddana warbaahinta Indonesia iyo tan caalamiga ah ayaa wariyay in General Subianto uu si weyn ugu guuleystay doorashada.

72-jirkaan sidoo kale horay u soo noqday wasiirka gaashaandhiga Indonesia ayaa xalay taageerayaashiisa u sheegay, in guusha uu gaaray ay tahay mid ay wada leeyihiin dhammaan dadka Indonesia.

Cod-tiyayaasha madaxa bannaan ayaa sheegay in Prabowo Subianto uu ku guuleystay ku dhawaad 60 boqolkiiba codadki la dhiibtay, taas oo ka badan codka aqlabiyadda ee uu ka rabay doorashada si uu madaxweynaha u noqdo.

Subianto ayaa doorashada uga badiyay guddoomiye-yaal hore Anies Baswedan iyo Ganjar Pranowo, kuwaas oo ka hoos maray boqolkiiba 33.

Natiijada kama danbeysta ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa 20-ka bisha Marso ee sannadkaan.

Xigasho: Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker