Masar oo Sheegtay inay dishay in ka badan 50 dagaal yahan oo ka tirsan kooxaha Dawladda Dagaalka Kula Jira Ee Gobolka Siinaay.

Milatariga dalka masar ayaa sheegay in ay dileen 52 dagaal yahan kadib howlgal ay ka sameyeen gobolka Sinaay oo ka mid ah goobaha ay ka dhacaaan weerarada ka dhan ka ah laamaha amniga Masar.

Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in ay arintaan qeyb ka tahay dadaalada  looga saarayo kooxaha argagixisada degaanada aan nabdooneyn.

Milatariga ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in ay burburiyeen 15 gaadhi oo ay saarneeyeen hub iyo walxaha qarxa kuwaasi oo la doonayay in laga gudbiyo degaanada dhanka galbeed.

Howlgalada oo maalmihii la soo dhaafay ay milatariga masar ka wadeen gobolada waqooyi iyo galbeed ayaa tirada guud ee lagu dilay waxay gaadhay 52 ruux sidaasi waxaa yidhi sargaal ka tirsan ciidamada masar.

Intii lagu gudo jiray howlgalkii ka dhacay waqooyiga Siinaay ayaa waxaa sidoo kale lagu xidhay 49 dagaal yahan,waxaana howlgalka iska kaashaday milatariga iyo police-ka masar.

Bishii hore ayaa laamaha police-ka milatariga iyo kuwa gaarka ah waxay howlgalo ka bilaabeen degaanada lagu tuhmayo kooxaha argagixisada waxaana lagu dilay tan iyo xiligaas 300 oo dagaal yahan.

Dalka masar ayaa waxaa ka soo shaac baxay kooxo hubeysan oo dagaal kula jira dowlada tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii sida dimuquraadiga ah ay u soo doorteen shacabka Mr Mohamed Morsi.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, oo dib loo doortay sanadii 2013-dii ayaa waxaa uu balan qaaday in uu ka sifeyn doono kooxaha hubeysan gobolka siinaay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker