“Sannadkan Wuxuu Ku Soo Beegmay Xili Xukuumadu Xog-Ururin Buuxda Ku Soo Sameeysay Shaqaalaha Somaliland Mid Walbana Rejo Ku Sugayo…” Md Sharmarke Geelle

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka hadlay xuska maalinta shaqaalaha Aduunka ee 1/5/2018 iyo Jamhuuriaydda Somaliland oo 27 sanno ka dib ay sannadkan shaqaalaheeda dawladda ugu suntan tahay isbedel wayn ka dib markii  diwaangelintii madaxtaabashadda oo horseedi doonta horumar lagu tayeynaayo lagu sameeyo shaqaalaha dawladda  dalka laga hirgeliyey.

Md Sharmarke Axmed Muxumed oo ka hadlaaya in 1/5/2018-ku ay sannadkan ugu suntanaan doonto shaqaalaha dawladda sannad guul iyo horumar ka dib diwaangelintii shaqaalaha qaranka Somaliland ee hay’addoodu ku guulaysatay sannadkani waxaanu yidhi.

1-da May iyo Macnaha ay Maanta u Samaynayso Shaqaalaha Dawladda Somaliland 27 Sanno Kadib.

“Sannadkan wuxuu ku soo beegmay xili xukuumadu  xog-ururin buuxda ku soo sameeysay shaqaalaha Somaliland mid walbana rejo ku sugayo; derejo bedel, xuquuq, xeerar, tababar, agab, aqoonsi, gunno, mag-dhaw iyo hawl-gab” Gud Sharmaarke Geelle

– Maalintan oo kale ayaa badi dunida laga xusa lana xurmeeyaa doorka shaqaalaha kala duwan kaga jiraan horumarka iyo horu-socodka dal higsanayo iyada oo hoos loo eego caqabadaha la soo darsa ama haysta shaqaalaha kala duwan ee dal leeyahay.

– Somaliland ayaa sida oo kale maalintan oo kale xusta isla markaana shaqada ka nasisa shaqaalaha dawladda iyaga oo ku xurmayana dedaalka naf-hurka le ee ay qarankooda duruufaha adag ugu adeegaan.

– Haddaba, Waxaa xusid mudan in shaqaalaha dawladda Somaliland sannadkan ay uga dareen iyo rejo badan tahay 27 sanno oo ay maalintan oo kale soo qaadan jireen iyada oo maalintan ay ku soo beegantay xili lasoo ururiyey dhammaan intii xog looga baahna si inta ay ka cabanayaan-ba looga caawin lahaa.

– Xog-ururintan ayaa midba rejo gaar ah ka filayaa isaga/iyada oo ka sugaya; derejo bedel, xuquuq, xeerar, tababar, agab, aqoonsi, gunno, mag-dhaw, hawl-gab iyo dhamaan-ba inta shaqaale lagu kasbado ama kobciyo halka dhalinyarada dalku ka sugayso kaalmo shaqo oo soo baxa si ay qalinkooda ugu soo baxaan.

– Dhanka kale, masuuliyiinta gobolada ayaa xogtan laga soo helay ka dhawraya; maamul daadajin iyo maaliyad qaybin halkaas oo marka warkan le helay tallo la heli doonno.

Isku soo wada duubo, maanta inta shaqaysa iyo inta shaqo-doonka ah ba waxa ay u tahay maalin iyo sannad uga duwan kuwii hore iyaga oo si hilow badan u sugaya xogtii oo maraysa wejiyadi ugu dambeeyey ee kala shandhaynta si looga soo saaro war suggan iyo weedh sax ah.

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker