Maxkamadda Sare ee Australia: ‘Xukuumaddu dhalashada kalama laaban karto dadka looga shakiyo argagixisada’

Maxkamada sare ee dalka Australia ayaa laashay awooda dawlada dalkaasi ay u leedahay inay dhalashada Australia ka xayuubiso muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee lagu eedeeyo inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada ee caalamiga ah. Maxkamadda sare ayaa soo saartay xukun taageeraya Delil Alexander, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka Turkiga iyo Australia kaas oo haatan ku sugan dalka Syria.

Delil Alexander ayaa sannadkii 2013 wuxuu ka tegey dalka Australia isaga oo qoyskiisa u sheegay inuu aadayo dalka Turkiga si uu halkaas ugu soo guursado, isla markaana uu dib ugu soo laaban doono dalka Australia, hase ahaatee wuxuu u sii dhaafay dalka Syria.

Hay’adaha sirdoonka ee dalka Australia ayaa sheegay in Delil uu ku biiray ururka ISIS. Mar dambe waxaa xabsiga dhigay ciidamada Kurdiyiinta. Sannadkii 2019, maxkamad ku taalla dalka Syria ayaa Delil ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, inkasta oo markaas ka dib ay xukuumadda Syria ay cafis u fidisay, haddana wuxuu weli ku sii jiraa xabsiga.

Qareenka u doodaya oo ku sugan Sydney oo lagu magcaabo Cismaan Samin ayaa u sheegay idaacadda Australian Broadcasting Corporation in dawladda Australia ay ku khaldan tahay in muwaadinkan laga xayuubiyo dhalashadiisa dalkiisa, iyadoo lagu eedaynayo inuu xidhiidh la sameeyey kooxaha xagjirka ah.

Xukunka maxkamadda sare ayaa debcinaya shuruucda ad-adag ee dawladda Australia ay kula dagaalanto dadka qaatay dhalashada dalkaasi ee looga shakiyo inay xidhiidh la sameeyeen ama ku biireen kooxaha argagixisada ee caalamiga ah, waxaana dawladdu ay tallaabadan u qaaddaa si ay shakhsiyaadkaas uga hor istaagto inay dib ugu soo laabtaan dalka Australia.

Go’aankan taariikhiga ah ee ay soo saartay maxkaamadda sare ee dalkaas ayaa garsoorayaashu waxay go’aamiyeen inaanay dawladdu xaq u lahay inay ka xayuubiso muwaadiniinta lagu eedeeyo falalka argagixisanimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker