Baarlamaanka Israel Oo Awood Dheeraad ah Siiyey Raysalwasaaraha dalkaasi Netanyahu

Baarlamaanka Israel ayaa ansixiyey sharci cusub oo u fududeenaya Raysalwasaaraha dalkaasi Benjamin Netanyahu inuu kaligiis qaadan karo go’aan uu dagaal ku bilaabi karo, xili maamulkaasi uu wado olole ka dhan ah Wadanka Iran.

Go’aanka ayaan meesha ka saaraya in Netanyahu uu marka hore ogolaansho weydiisto Baarlamaanka hadii uu wadankaasi gelinayo wax dagaal ah, Netanyahu ayaa hada awood buuxda u heysta inuu bilaabi karo dagaalo iyo go’aanada militariga isagoo kaashanaya Wasaaradiisa Difaaca.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili Israel ay sheegtay in Iran ay wado dhaq dhaqaaq baaxadleh oo ka dhan ah maamulka heysta dhulka Falastiin. Israel ayaa aaminsan dhaq dhaqaaqa Iran ka wado dalalka Lubnaan iyo Siiriya oo ay jaarka yihiin inuu qeyb ka yahay qorshe weyn oo Tehran dooneyso inay ku weerarto Israel.

Benjamin Netanyahu ayaa hada olole xoogleh ugu jira in Maraykanka uu isaga baxo heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka Iran ee la saxiixay 2015, isagoo sheegaya in Iran heshiiskaasi ka dul qaaday cunaqabateyntii saarneyd hadana ay awood dhaqaale u heshay inay maalgeliso kooxaha ka amar qaata ee ku sugan Lubnaan, Ciraaq, Siiriya iyo Yemen.

Netanyahu ayaa Isniintii soo bandhigay xog sir ah oo uu sheegay in ay cadeyn u tahay qorshaha hoose Iran ugu jirtay inay sameysato hubka nukliyeerka, wuxuuna wareysiyo kala gedisan siiyey telefishinada dalka Maraykanka, isagoo doonaya inuu saameyn ku yeesho go’aanka la filayo in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu 12ka bishan May ka qaato heshiiskii Nukliyeerka ee dalka Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker