ARRIMAHA HAWEENKA: Daawo Xog-warranka Gabadh da’yar oo soo saarta Dhaashiyo (Creams) ka madhan Kiimiko

Hargeysa (OWN)- Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa barnaamij ku saabsan haweenka iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan dhinaca horumarka iyo hal-abuurka wax-soo-saarka maxalliga. Cayni Aadan Beereed waa gabadh dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargeysa, waxa ay soo saartaa Dhaashiyo (Creams) Dabiici ah oo lagaga maarmay Aafada Daawooyinka Kiimikada ka samaysan ee dhibaatada ku haya haweenka.

Haddaba muuqaalkan hoose ka daawo Xog-warran lala yeeshay gabadhan da’da yar oo ay si qoto-dheer uga warramayso sida ay u suurto-gashay samaynta Dhaashiyadan Dabiiciga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker