Mareykanka oo wax ka badalay mowqifkii uu ka taagnaa muhaajiriinta

Wasiirka gaashaandhigga mareykanka Jim Mattis, ayaa xaqiijiyey dowladda Mareykanka iney dooneyso hoy iney uga diyaariso kumanaanka qoxootiga sharci darrada ah xera ciidan oo ku taallo Texas.

 

Muhaajiriin si sharci darra ah ku soo galay Mareykanka

Hadalkaasi Jim ka soo yeedhay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa go’aanki madaxweyne Trump uu ka qaatay inaan hadda kaddib qoysaska iyo carruurtooda aan la kala reebin marka la rabo in meel lgu hayo.

Mr Mattis wuxuu intaa ku daray saldhigga ciidamada ee Fort Bliss ee ku yaallo El Paso iyo saldhiigga ciidamada circa ee Goodfellow oo ku yaallo San Angelo in la diyaariyey.

Hoggaamiyeyaasha waddamada Laatiin Ameerika ayaa walaac ka muujiyey siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan arrimaha qoxootiga.

Madaxweynaha Guatemal Jimmy Morales, ayaa wuxuu sheegay inuu qoxootiga ka soo jeeda Guatemala uu weydiinayo in la geeyey goob ku meel gaar ah oo ammaankooda lagu sugi karo.

Madaxweynaha Brazi Temer wuxuu isna sheegay inuu weydiin doono dhibaatada haysata carruurta waaliddiintooda laga reebay ee meel gaar ah lagu hayo.

Mr Temer wuxuu wadahadallo amuurahaasi ku saabsan uu la yeelan doonaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo booqasho laba maalmood ay talaadada uga billaabmeyso Barazil.

XIGASHO BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker