Dahabshiil Astaan Ku Dayasho Mudan!

Shirkadda Dahabshil oo ka kooban seddex qaybood ; qaybta Xawilaadaha
Dibeda, Isgaadhsiinta (Somtel) iyo Adeega Edahab. Shirkadda dahabshiil
iyada oo fulinaysa Adeegyadaa dusha ku xusan waxay ka hawlgashaa guud
ahaan dalka , dalalka dariska iyo duwalka kale ee caalamka intooda
badan. Waxaa shirkada dahabshiil seeska u dhigay sanadkii 1970 Mudane
Maxamed Siciid Ducaale, iyadda oo wakhtigan la joogo masuulka ugu
sareeya ee hogaamiyaa uu yahay Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo
runti ah ninka wakhtiyadan dambe shirkada gaadhsiiyey horumarka
balaadhan ee ay ku talaabsatay iyo ka haqab-tirka adeegyada kala duwan
ee shirkadu u darban tahay dadkii u baahnaa . shirkada dahabshil waxay
buuxisay baahiyo badan oo adeeg oo shacabku u baahnaa. Waa shirkada
kaliya ee nooceeda ah ee ka hawlgasho guud ahaan geeska afrika oo ay
bulshadu 95% ay si toosa ugu xidhan yihiin isticmaalaana adeegyadeeda
kala duwan.

Horumarka shirkadu gaadhay ee uu hormoodka ka yahay Mudane
Cabdirashiid waxaa loo tiring karaa hawlwadeenada ka hawlgala qaybaha
kala duwan oo ah kuwa koobsaday aqoon sare ,waayo aragnimo iyo akhlaaq
suuban , taasi oo ah mida ay shirkaduhu isku dhaafaan.

Marka aynu dib u jaleecno sannado ka hor halka aynu maranay iyo maanta
meesha aynu taaganahay marka laga eego dhinaca horumarka
technoolajiyada waxaa lagu tilmaami karaa ama la qiyaasi karaa faraqa
balaadhan ee u dhaxeeya. Horumarkaa lagaadhayna run ahaan waxaan odhan
karaa waxaa hormood ka ah Shirkada dahabshiil iyo adeegyadeeda isku
qoofalan.

Dahabshiil iyo ka Qayb qaadashada Kaabayaasha dalka: Shirkaddu maaha
oo qudha mid bulshada dheef ka gurata, ka xoogsata macaash qudhana ka
kasbata, waa shirkad bulshada wax ku soo celisa waana shirkadda ugu
wayn bulshada wax tarta kana qayb qaadata horumarka, Sida tacliinta oo
door wayn ka qaadato iyada oo dugsiyada, jaamacadaha iyo koobaha kale
qayb wayn ka qaadatay marwalbana u taagan, Goobaha cibaadada
masaajidada iyo madaarista diiniga ah waxay u tahay astaan ka qayb
qaadashadeeda, tartanka Quraanka iyo dhiiri galintiisa waa shirkaddii
ugu horaysay ee daah furta

Shacabka haddii aanu nahay waxaanu dareemaynaa waxtarka balaadhan ee
shirkada dahabshiil dalkeeda iyo dadkeedaba u hurtay islamarkaana ay
buuxisay waxbadan oo looga fadhiyey hogaanka dalka xilkiisa haya,
sidaa awgeed in la isgarabtaago waa mida looga baahan yahay xukuumadan
hadda hogaaminaysa dalka iyo kuwa gadaal ka iman doonaba.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Sh Cali

Hargeysa,Somaliland

 

Dahabshiil Astaan Ku Dayasho Mudan!

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker