Daacish Oo Sheegatay Weeraradii Ka Dhacay Kabul, Afghanistan

Kooxda Daacish ee dalka Afghanistan ayaa sheegatay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii shalay ka dhacay caasimada Kabul. Labada qarax oo ka dhacay nawaaxiga xarunta hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo ay ku jiraan 10 suxufiyiin ah.

Qaraxa labaad oo goobtaasi ka dhacay ayaa waxaa geystay nin iska dhigay suxufi oo isku dhex qarxiyey suxufiyiinta iyo dhakhaatiirtii u gurmanayey dadkii wax ku noqday qaraxii kowaad.

Suxufiyiinta weerarkan ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa Wariyihii BBC-da u fadhiyey dalkaasi iyo waliba sawir qaade caan ahaa oo u shaqeenayey Wakaalada Wararka ee AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker