TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 20` aad .

. SABABAHII  KEENAY  INAY   WIIQMATO  DAWLADU

SABABIHII  KEENAY  IN  AY  DAWLADU  WIIQMATO  IYO DAGAALADII  SOKEEYE   EE  DHEXMARAY   WIILASHII  AMMIIR FAYSAL .

Markii uu  xilka qabtay   Ammiir  Cabdullaahi  bnu  Faysal     arrimuhu waxa ay ahaayeen  kuwa si fiican u socda , haddi  aanay  jiri lahay mucaaradad  xooogan oo kaga  imanaysay walaalkii  Sucuud  bnu Faysa ,  kaas oo aan                                            la heshiinin  walaalkii markii xilka  loo cumaamadaayey.  Waxaana  jiray  raali galin uu dalbaayey  Cabdullaahi  oo  uu  kagga  codsanaayey walaalkii   innuu  ilaaliyo  xidhiidhinta qaraabanimada  iyo   walaaltinimadaba , taasna waa uu ku gacan saydhay.  Waxa kale oo  jiray  isku dayo  lagu fardaaminaayey  sidii uu u baaqsan lahaa   inuu daagaal  ka dhex qarxo  labadooda  walaalaha ah. Waxa uu Sucuud u tagay qabaa`ilka    Ma`rib   kuwaas iyo kuwa kale  oo uu u tagayba  waxa uu ka dalbaday  hiil  iyo in ay ciidamo siiyaan waanay ka aqbaleen oo ciidamadii  waa ay siiyeen.  Waxaanu walaalkii dagaal kula jiray muddo dheer oo uu  kolba dagaal soo qaadaayey oo  lagu jabinaayey. Sidoo kale  Maxamed   Faysal  oo ay  walaala ahaayeey  Cabdullaahi  iyo Sucuud waxa uu taageeray  walaalkii  Cabdullaahi   waxaanu ahaa hogaamiyaha    ciidanka  boqortooyada  Sucuudiga,   ugu  danbayna  dhawr dagaal oo ay  Maxamed  iyo  Sucuud  iskaga  horyimaadeen waa lagu  jabiyey   ismanna aannu  dhiibin  Sucuud  ee waxa uu u baxsaday   dhinaca Xassa  iyo  Baxrayn halkaas oo uu  qabaa`ilka Cajmaan ciidan ka soo urursaday ka dibna  dagaal ayuu ku soo qaaday  Riyaad  waanu qabsaday , waxaana ka cararay  Ammiir Cabdullaahi iyo colkiisii , sidoo kale  waxa uu qabtay Sucuud  Faysal  oo uu jeelka dhigay walaalkii   Maxamed  Faysal.  Markii uu magaaladii qabsaday ayuu  maamul cusub u sameeyey. Ammiir  Cabdullaahi waxa uu ku soo laabtay  Waadul  Xaniifa  halkaas oo uu  ciidamo ku urursaday  si uu dagaal  rogaal celin ah ugu qaado Riyaad ,  waxa kale  oo uu  Cabdullaahi   ergo     u diray   Turkiga, Ciraaq iyo  Madxat   Baashe.  Waxaanu ka codsaday  kaalmo  ciidan iyo saanad degdeg ah, ka dibna waxa uu  Madxat  Baashe u soo diray ciidamo ladagaalama  Sucuud , ka dibna  ciidamadii waxa  ay ku jabiyeeen  ciidamadii Sucuud  Xassa , waxaanay  ku nagaadeen  ciidamadu  halkaas  muddo oo  uu Turkiguna dusha ka maamulaayey , sannadkuna waxa uu ahaa  1288 hijriyada oo ku beegnayd 1870 miilaadiga , sidoo kale  Cabdullaahi waxa uu ciidamo labaad  ku weeraray  Riyaad , waxaanu jabiyey  ciidamadii  Sucaad  , waxaanu  mar labaad   la wareegay gacan ku haynta  magaalada Riyaad  .

Sucuud  kuma  joosanin  jabistii  ciidankiisa  iyo gulufkii lagaga  fara maroojay Riyad   ee  waxa uu hadan soo urursaday  ciidan xoog  badan , waxaanu  ku  soo rogaal  celiyey  dagaal   Riyaad  oo uu hadana  ka fara maroojiyey  Cabdullaahi. Guushii uu gaadhay  Sucuud  may noqon  mid loo haniyeeyo , sababtoo, waxa  Najda   markiiba ka dilaacday   macaluul ba`an , taas oo keentay innay dad badani ku kacaan Sucuud oo ay ka  horyimaadaan , ugu danbayntiina  arrinkaasi waxa uu  keenay  inuu Sucuud ka baxo  magaalada Riyaad oo uu  una  magacaabo Badhasaab uga wakiil ah.  Waxaanu u magacaabay  adeerkii  Cabdullaahi  bnu Tarki  .

Waxaanu u anbabaxay  dhinaca  koonfureed  ee wadanka  halkaas oo uu muddo  joogay  heshiisna  lagalay qabaa`ilkii halkaas deganaa ,waxaanu soo urursaday  ciidan badan .Waxaanu soo weeraray Riyaad  oo uu qabsaday , sidoo kale waxa  uu xidhay  adeerkii Cabdullaahi.  Waxaanu  heshiis  lagalay dadkii deegaan  oo uu u sameeyey  maamul    markii uu sannad  maamulaayey   ayuu geeriyooday .

Markii uu geeriyooday   Sucuud  waxa  xilkii  la wareegay  walaalkii Cabdiraxmaan Faysal   bnu Turki  , waxaanu muran  ku saabsan  dhaxal sugidu dhexmartay wiilashii Sucuud , waanu ka tanaasulay  Cabdiraxmaan  oo xukunkii waxa uu ku wareejay  Cabdullaahi , Cabdullaahina muddo sidaas  u siibadnayn  ayuu  hayey  xilka oo waxa ku kacay   caruurtii   uu dhalay suucuud   waxaana kow ka ahaa   Maxamed  bnu Sucuud   oo isagu diyaarsaday  ciidamo   u dagaalama, ugu danbayniina  Cabdullaahi dagaalkii waa lagaga xoog batay   oo waa la xidhay, waxa kale  oo markan hoos u dhac  weyni ku yimi jiritaankii    dawladnimada  Sucuudiga   oo waxa   gobolka  ka soo ifbaxay   awoood labaad  oo ah tii maamulkii  bnu Rashiid oo iyadu   kolba isasii  balaadhinaysay .

Maantana halkaa ha inoo  joogo Maqaalku .                                                                                               Lasoco qaybta  21aad  maalinta  khamiista  ah ee fooda inagu soo haysa  Insha Allahu tacaalaa.                                                                                             Qalinkii:Maxamed  Muuse  Cilmi                                                                                  Qoraa/Mutarjim                  Bariise_77@hotail.com/www.facebook/maxamedbariise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker