Raysal Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya Oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Waydiistay In Saami Laga Siiyo Dekedaha Jabuuti

Ra’isal wasaaraha dhawaan la doortay ee dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa bookhashadii u horaysay ee uu dalkiisa kaga baxo ku tagay dalka Jabuuti. Socdaalkan ayaa loo arka muhiimadda xidhiidhka Jabuuti u leeyahay dalka Itoobiya.

 

Dr Abiy oo ay shalay shir jaraa’id wada qabteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Itoobiya u baahan tahay in ay qayb ka noqoto horumarinta dekedaha Jabuuti “ Si aynu iskaashiga ganacsiga ee labada dal u dhexeeya ugu bedelno mid heer sare ah, Itoobiya waxay u baahan tahay in ay Saami ka hesho horumarinta dekedda,” Sidaas ayuu yidhi Ra’isal wasaare Abiy.

Hoggaamiye Abiy waxa uu ammaanay ganacsiga kobcaya iyo xidhiidhka xooggan ee ka dhexeeya Addis iyo Jabuuti, waxaanu dhiggiisa Geelle la falanqeeyay danaha ay wadaagaan labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika guud ahaan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay kobcinta isku xidhnaanta bulshooyinka Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxa uu intaasi raaciyay in dadaallada lagu dardar galin doono horumarinta ganacsiga iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha sida jidadka. Madaxweyne Geelle ayaa isna la qaatay muhiimadda horumarinta isku xidhnaanta labada dal oo uu ku tilmaamay mid danta labada bulsho ku jirto waxaanu sheegay in adeegga dekedda Jabuuti laga dhigi doono mid wax ku ool ah.

Halkan Hoose Ka Akriso Warbixintaasi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker