Madaxweynaha Somaliland Oo Shaqaale-weynaha Qaranka Ku Hambalyeeyey Maalinta Shaqaalaha Adduunka Ee 1-da May

Madaxweynaha Somaliland Oo Shaqaale-weynaha Qaranka Ku Hambalyeeyey Maalinta Shaqaalaha Adduunka Ee 1-da May

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay ku sugan yihiinba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga dhabar adayga duruufaha nololeed ee kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, isagoo kula dardaarmay inay xoojiyaan saacadaha shaqada oo ay xil gaara iska saaran sidii ay u muujin lahaayeen waddaniyad una gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran hawlaha muhiimka ah ee qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker