Jadwal Taariikheedka (Calender) Sannadka 2018 Ee Somaliland Oo Qalday Ayaamaha Xus Diineedka Islaamka Qaarkood.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Tuse-taariikheedka Baanka Somaliland ee Sannadka 2018 (Somaliland Bank Calender of 2018) oo ah kan ugu muhiimsan ee lagaga dhaqmo Somaliland marka loo eego dhinaca bilaha iyo weliba maalmaha gaarka ah ee ku jira sida maalmaha xus-diineedyada ama maalmaha fasaxa shaqaalaha iwm ayaa sida kamuuqata Bisha barakaysan ee Ramadaan oo ka bilaabmaysa 16 May 2018 kuna eg 14 June 2018 Waxa 15-ka June 2018 oo kubeegan maalinta Iidal-fidriga ee Sakada dadka la bixiyo Kalandakaas lagu sheegay inay tahay maalintaasi Iidal Adxa oo ah Maalinta xoolaha la qalo ee 10-ka bisha Carafa ee muslimiiintu dhammaystaan gudashada waajibaadka Xajka, waxayna maalintaasi sida jadwalkaasi qorayo taariikhda miilaadiga ah ku beegan tahay 20/8/2018.

 

Arrintan oo ah qalad kasoo baxay Tuse-taariikheedka Baanka Somaliland ee Sannadka 2018 ayaa ah mid aan hore looga baran qaladaad noocan oo kale ah, waxayna muujinaysaa hoos u dhac aqooneed oo ka yimid dhinaca hawl-wadeennada u xilsaaran samaynta Jadwal-taariikheedka ugu muhiimsan ee xukuumadda Somaliland soo saarto.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker