Dooxa Aw-barkhadle oo Qaaday Baabuur Jaad Siday

Hargeysa (OWN) Waxa galabta Dooxa tuullada Aw-barkhadle ee bariga Magaalada Hargeysa uu qaaday Baabuur jaadle ah oo noociisu ahaa Shaamboo oo ka yimid dhinaca magaalada Berbera, hase ahaatee waxa laga soo badbaadiyey laba qof oo saarnaa Baabuurkaas.

Guddoomiyaha degaanka Aw-Barkhadle Mr. Mahad Maxamuud Gahayr ayaa wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay in baabuurkaas uu la tagay daadku, balse shacabka iyo maamulka tuulada Aw-barkhadle oo iskaashanayaa ay u gurmadeen laba nin oo saarnaa gaadhigaas oo ay lahayd mid ka mid ah shirkada jaadka ee ka jira dalku.

Guddoomiyaha Aw-barkhadle waxa uu dadweynaha iyo gaadiidlayda u soo jeediyey inaanay isku biimayn daadka xooga leh ee maraya dooxa Aw-barkhadle, waxaanu sheegay in ciidammada Booliska iyo maamulka tuuladaasi ay gaadiidka ka joojiyeen caawa inay isku qaadaan dooxa oo uu tilmaamay inuu labada gabi marayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker