Dhalinyaradii Somaliland Kasoo Jeeday Ee Meydkooda La Helay Oo Lagu Aasay Magaalada Istanbul

Allaha Naxariistii jano Ha Siiyee Waxaa, Maanta Lagu Aasey Magaalada Istanbul, ee Dalka Turkiga Qaar Kamid ah Dhalinyaradii Somaliland Kasoo jeeday, oo Dhawaan Meydkooda Laga Helay Xuduuda u Dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga.
Sida uu Ku soo Waramey Wariye Shiine Cilmi Kaahin, oo Dalkaasi Turkiga jooga, Waxaa janaasada Marxuumiinta Ka Qeybgaley Ardeyda, dhalinyarada, iyo Dadka Degan Dalkaasi ee Kasoo jeeda Somaliland.
Indhawaale, Waxaa isa soo Taraya Dhibaatooyinka, Ka jira Xuduuda u Dhaxeysa, Turkiga iyo Giriiga Halkaas, oo ay Dhalinyaro Badani ku Damacsan Yihiin in ay uga Gudnaan Qaarada Yurub haseyeeshee, aan La Sahashan Karrin Khatarta Dhinaca Cimilada ee Barafka iyo Dhibaatooyinka kale, ee Ka jirra.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker