Madaxweynaha dalka Philippines Oo Shacabkiisa Ka Mamnuucay Inay U Shaqo Tagaan Kuwait

Madaxweynaha dalka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa shacabka dalkaasi ka mamnuucay inay u shaqa tagaan dalka Kuwait. Duterte ayaa bishii Febraayo ee sannadkan xayiraad kusoo rogay dadka dalkaasi ee u safra Kuwait, kadib markii qof shaqaale ah oo u dhashay dalka Philippines lagu dilay wadanka Kuwait.

Madaxweynaha dalkaasi ayaa sidoo kale ku booriyay labada boqol iyo kontonka kun ee qof ee u dhashay dalka Philippines inay dib ogu laabtaan dalkooda. Dadkan ayaa intooda badan la sheegay inay yihiin dad ka xamaasha gudaha wadanka Kuwait. Duterte ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay dadkaasi ka caawin doonto sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Xiriirka labada dal ee Philippines iyo Kuwait ayaa sii xumaaday, kadib markii dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Rodrigo Duterte ay ka carootay qaabka loola dhaqmo shacabka dalkaasi ee ku sugan dalka Kuwait.

Sidoo kale dowladda Philippines ayaa dowladda Kuwait ka dalbatay inay sharaxaad ka bixiso sababta ay dalkeeda uga soo eriday safiirkii u fadhiyay dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker