Dawlada jabuuti oo Xaqiijisay kiiskii u horeeyay ee Coronavirus

Jabuuti (OWN) – Dowladda Jabuuti ayaa Xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay dalkaasi kadib markii uu soo gaadhay wadamada Geeska Africa.

 

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Jauuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka heleen qof u dhashay dalka Spain oo sugnaa Magaaladda Jabuuti ee Caasimada dalkaasi.

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in Qofkaas uu dalka Jabuuti soo galay 14 Bishan March  isla markaasna baadhitaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuu qabo cudurkaas.

 

Cudurkan sida Xawliga ah u Fidaya ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ah wadamo wadaago xuduud.

 

 

Kiisaska Corona Virus ee laga helay dalka Kenya ayaa gaaray ilaa 7, halka Itoobiya la helay ilaa 6 Kiis, Soomaaliyana waxay Shalay xaqiijisay hal kiis.

 

Cudurka Coronavirus ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Adudunyada, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay in lasoo saaro daawadiisa, inkastoo wadamo uu ku jiro Mareykanka la tijibaanayo tallaal cudurkaan looga hortagayo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker