Ingiriiska Oo Baaq kasoo Saaray Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Dowladda UK ayaa ku baaqday in ammaanka, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya dartood, ay muhiim tahay in la qabto doorashooyin ku dhisan heshiis, sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaraddeeda Muqdisho, ayey UK sidoo kale ku ammaantay go’aanka ay qaateen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee ay ku diideen muddo kororsiga hay’adaha dowladda.

“Waxaan iminka ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada inay deg deg u wada-hadlaan ayada oo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad wanaag,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho.

UK ayaa intaas ku dartay inay aad uga walaacsan tahay in haddii lagu guul-darreysto in deg deg loogu dhaqaaqo doorashooyin, ay taasi hoggaamin karto amni la’aan weyn oo ka dhacda Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo yeelan kartaa cawaaqib xun oo bani’aadannimo.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ciidamada amniga ee caasimadda inay ka reebtoonaadaan rabshadaha ayna joogteen xasilloonida. Waa muhiim in ciidamada amniga ay dadaalladooda saaraan ka hor-tagga cadowga guud ee al-Shabaab ayna xaqiijiyaan inaysan ka faa’iideysan hubanti la’aantan siyaasadeed,” ayey tidhi UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker