Ciidamada Amxaarada Ee Dalka Itoobiya Oo Doonaya In Ay Soomaaliya Siijoogaan Xataa Marka Midowga Afrika Ciidankoodu Kabaxaan Iyo Sababta

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan ciidamadeeda inta si weyn loo burburinayo Awooda Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Meles Alem, ayaa Shalay u sheegay Saxaafadda inay dowladdiisu doonayso inay sii waddo shaqada AMISOM ee la dagaallanka argagixisa.

Wuxuuna midowga Afrika ugu baaqay inaysan ka bixin Soomaaliya ilaa laga wiiqo awooda Al-Shabaab ama ay Ciidamada Soomaaliya awood buuxda u yeeshaan sugidda ammaanka Dalka.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalka Soomaaliya yimid 2007-, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu dhisaya ciidamada xoogga iyo Booliska, si ay ammaanka dalka ula wareegaan marka ay laabtaan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker