Xukuumadda Somaliland oo Bilowday Qorshe Lagula Xisaabtamayo Hay’adaha Dalka

Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland, ayaa Awaamiir culus ku soo rogtay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin.

Kulan Madaxda sare ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelintu Somaliland ay layeesheen madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Wasaaradda wada-shaqayntu ka dhaxayso, ayaa Hay’adaha lagu War-geliyey awaamiir culus oo la xidhiidha nidaamka wada-shaqayneed ee wasaaradda iyo hay’adaha.

 

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hadal ka jeediyey kulankaasi oo hal maalin qaatay, ayaa waxa uu u digay Hay’aduhu inay baal-maraan nidaamka cusub ee wasaaraddu doonayso in Hay’aduhu ula shaqeeyaan “Waxaanu annagu doonayno ma nagala shaqaynaysaan, mise waxaad idinku doonaysaan oo Xagga sare laga keenay baad rabtaan inaad nagala shaqaysaan.” ayuu yidhi, Agaasime Ilka-casse, waxaanu intaa ku daray “Maaddaama oo Wasaaraddii dib u habayn lagu sameeyay, sidii hore ee aynu u wada shaqayn jirnay uma wada shaqaynayno gebi ahaanba, diwaan-baad Wasaaradda ku yeelanaysaa, waxaad qabanayso ayaa la garanayaa, halkaad ka shaqayso ayaa la garanayaa, haddii kale annaga nalama shaqaynaysid, imikaba hala wada maqlo, hadhow Hay’ad baa Shaqada laga joojiyey iyo wax baa la yidhi waa waxa hadhow ergada laga galo.”

 

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii uu ahaa Agaasimaha Wasaaradda Beeraha ay shaqada ka joojiyeen Hay’ado “Berigii dhawayd Wasiirka Beeraha si wanaagsan ayaanu u wada shaqaynay oo Hay’ado badan ayaanu shaqada ka joojinay markii aanu baadhnay ka dib.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Hay’adaha aanay kala saarayn “Annagu uma kala saaranayo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, waayo? Wasaarad ahaan xaq-baanu u leenahay Cidda nala shaqaysa waxay qabanaysaa inay Cadaato, waxay ka shaqaynaysaana ay Cadaato, Cidda aan sidaa noola shaqaynayn nalama shaqaynayso.”

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker