Xiisad ka taagan xaafadda Say Biyaano ee Magaalada Muqdisho

Waxay maanta ku beegan tahay maalinta kama dambeysta ah ee loo qabtay in dadka shacabka ah ee degan Xerada Dab Demiska ee Magaalada Muqdisho ay uga baxaan, haddii kalena ay suurtagal tahay in si khasab ah looga raro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa horkacaya qorshaha lagu doonayo in lagu banneeyo dhulkaasi.

Arrinta xeradan ayaa soo taagneyd dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo Taliska Booliskuna uu marar kala dambeysay soo saaray amaro ku aaddan in dadku ka baxaan xeradaasi, si loogu adeego bulshada.

Xeradan ayaa waxaa dhowr iyo soddonkii sano ee ugu dambeysay deganaa dad shacab ah, kuwaa oo haatan ka cabanaya inaanay haysan meel kale oo ay u guuraan iyo dhaqaalihii ay u adeegsan lahaayeen rarka geeddigooda.

Dadkan ayaa waxay Dowladda Federaalka ka codsadeen inay dib u dejin u sameyso, si ay u banneeyaan xeradaasi, taas oo Villa Somalia ay muddooyinkanba ka gows adeygeysay.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Taliska Booliska uu xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad uu u xil saaray inay dadkaasi ka raraan Xerada Dab Demiska.

Xaaladda ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xeradaasi la doonayo in lagu wareejiyo ganacsato, sidii dhowr jeer oo horeba dhacday. Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inay horaan dad rayid ah ka rartay dhismayaal dowladeed, isla-markaana aan laga bilaabin adeegyadii ay bulshada u hayeen.

Hadda dadka rayidka ah ee degan Xerada Dab Demiska ayaa dalbanaya in dib u dejin loo sameeyo, haddii kalena ay gacmaha ula tagi doonaan Ciidamada Dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xeradaasi ay ku sugan yihiin maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, kuwaa oo u muuqdo in loo diyaariyay inay ka hortaggaan, haddii la isku dayo in ciidan loo adeegsado dadkaasi.

Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa si weyn uga horyimid in qorshe la’aan halkaasi looga raro shacabka degan, isla-markaana ay dowladdu la timaado qorshe ay si nabdoon dhulkaasi uga rari karto dadka ku nool.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay wax siyaasad ah ka lahayn xarumaha danta guud, isla-markaana ay dad gaar ahi beegsaneyso.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa isna yiri “Dowladda marka ay shacabka ka saareyso dhismayaasha danta guud waa inay noqotaa siyaasad guud oo saameynaysa dhammaan dhismayaasha dowladda. Sax maaha in goobo gaar ah la bartilmaameedsado, dano dhaqaale awgeed.”

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ayaa Dowladda Federaalka uga digay inay xoog u adeegsato dadka uu ku metelo Baarlamaanka Federaalka ee halkaasi degan.

Senator Cabdi Qaybdiid ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray in uu xaaladda dejiyo, ka hor inta aanay meel adag gaarin.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka ay hoos u eegto dadkaasi, lana dhageysto waxa ay diidan yihiin iyo waxa ay doonayaanba.

Dhanka kale waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in hoos loogu dhigo xiisadda, si loo meelmariyo amarka dowladda ee ku aaddan in la banneeyo xeradaasi, iyada oo aan wax dhiig ah ku daadan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Jimcihii soo gaaray Caasimadda Muqdisho ayaa qayb ka ah xubnaha wada dadaalada lagu yareynayo xiisadda ka dhalatay in cudud ciidan loo adeegsan doono dadkaasi, haddii aanay goobtaasi ka guurin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Qoorqoor uu xalay wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, lamana shaacin waxa ay isu afgarteen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka fiirsaneyso inaanan lagu degdegin wax kastoo xaalad amni darro keeni kara, balse ma cadda in mowqifkeedii Sabtidan dadka looga rari lahaa dhulka ay dowladdu leedahay uu wax iska bedelay iyo in kale.

Madaxweyne Qoorqoor oo gelinkii dambe ee Jimcihii la kulmay odayaasha dadka dhulkaasi degan ayaa ugu baaqay inay iska soo xulaan guddi arrimahooda kala hadla Dowladda Federaalka, isagoona u sheegay inaanan maanta la soo weerari doonin, hase yeeshee dadka ayaa weli muujinaya dareen ku aaddan suurtagalnimada in la soo weerari karo.

Xerada la doonayo in dadka laga saaro ayaa ku taala ka soo horjeedka dhismaha Say Biyaano, waxayna u dhaxeysaa Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir iyo Siliga American-ka. Daarta Say Biyaano waxay maanta dadku u yaqaanaan (Xaafadda Say Biyaano).

Marka laga hadlayo muhiimadda ay leedahay xeradan waa inay ku taalo goob istiraatiiji ah, oo ganacsi xoog lehna uu ka jiro.

Xaaladda kacsanaanta leh ee ka jirto xaafadda Say Biyaano ee Degmada Hodan ayaan la aqoon, waxa ay ku dambayn doonto, iyadoona bulshada ay si dhow isha ugu hayso dhaqdhaqaaqa halkaasi ka jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker