DP World oo Sharraxday Gumarooyinka Dhaqaale ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Berbera

Guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem, ayaa sheegay in aaga ganacsiga xorta ah ee ay ka hirgelinayaan magaalada Berbera uu waxtar weyn iyo gumarooyin (Faa’iido) u yeelan doono dhaqaalaha mandaqada gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska East African Business Week, ayey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay warbixin dheer uu daabacay shalay oo ku wajahan horumarka aaga ganacsiga xorta ah (Free Zone) u horseedi doono dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaan mandaqada gobolkaba.

Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa xusay in aaga xorta ah laga dheefi doono shaqo abuur xoog leh, waxaanu yidhi “Aagga ganacsiga xorta ahi wuxuu kor u qaadayaa hodantinimada dhaqaalaha gudaha Somaliland waxaana laga helayaa shaqo abuur badan.”

Guddoomiyaha DP World waxa uu sheegay in Aagga ganacsiga xorta ah muhiimadiisu ay tahay inaan wax cashuur ah laga qaadaynin ganacsatada, hase ahaatee ay bixin doonaan oo kaliya khidmad yar oo ah kirada bakhaarada oo kaliya.

Wargeyska East African Business Week, wuxuu sheegay in ay Berbera ka socoto dhismaha deked cusub oo cabirkeedu yahay 400 oo mitir.

Madaxa hawl-fulinta DP World u qaabilsan Dekedda Berbera, Ismaaciil Maxamuud ayaa xaqiijiyey inay qalab badan ku soo kordhiyeen dekedda gaar ahaan wiishashka iyo agab kale.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo DP World ayaa kala saxeexday bishii May 2016-kii heshiis 30 sannadood qaadan doona oo ku saabsan casriyeynta iyo ballaadhinta dekedda Berbera.

Xarunta cashuuraha ka caagan (free zone) waxa laga dhisayaa dhul cabirkiisu yahay 12km oo isku wareeg ah, waxaana lagu wadaa inuu bilaabmo sannadkan isla markaana uu dhammaan doono 2020-ka.

Image result for dp world

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker