Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Garoowe: 14 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan gudoonka kale ee baarlamanku.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, smiling, standing and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting and suit

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker