Raysal-wasaaraha Cusub Ee Itoobiya Oo Xadidaaya Mudo Xileedkiisa

Ra’iisalwasaariha Itoobiya ee dhowaan la magacaabay Abiy Ahmed ayaa sheegaya in uu qaadayo tallaabooyin cusub oo lagu xaddidayo muddada xilka uu haynayo Ra’iisalwasaaraha, taas oo lagu soo koobayo laba xilli doorasho oo kaliya.

Haatan sharciga waddanka ayaa u oggolaanaya ra’isalwasaaraha in xilka uu hayo mudda aan cayineen. Tallaabadaan ayaa ka mid ah isbedello uu Mr Abiy horay u ballan qaaday inkastoo waddanka uu weli ku jiro amarka deg-degga ah.

Ra’iisalwasaarihii isaga ka horreyay Hailemariam Desalegn, ayaa si lama filaan isku casilay bishii febaraayo iyadoo wadanka uu wajahayay dibed baxyo looga soo horjeeda dowladda. Mr Abiy ayaa ka soo jeeda qowmiyadda ugu badan Itoobiya ee Oromda, kuwaasoo muddo dheer ku andacoonayay in la xaqiray.

Source BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker