Dibadbaxyo Lagaga Soo Horjeeda Nacaybka Yahuudda Oo Ka Dhacay Dalka Jarmalka

Berlin (OWN)-  Dibadbaxayada ayaa waxaa sababay ka dib markii baraha bulshada la soo dhigay video muujinayay laba nin oo Yahuud ah oo ay weerarayaan saddex dhalinyaro oo muhaajiriin ah, dhalinyarada ayaa diidanaa koofiyada ay wateen labada nin taasi oo ay xirtaan ragga yahuudda ah.

 

Dibedbaxayaasha ayaa waxa ay madaxa ku wateen koofiyad ay xirtaan raggga Yahuudda ah taasi oo ay ku muujinayeen in ay garab taaganyihhin ragga la weeray.

Waxaa dibedbaxa ka qeyb qaadanayay dad aan Yahuud ahayn oo xirnaa koofiyadaha, xitaa sawir laso dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay gabar Muslimad ah oo iyadana madaxa ku wadatay koofiyadda.

Madaxa jaaliayadda Yahuuda ee Jarmalka Josef Schuster ayaa mar sii horreysay kaga digay Yahuudda in magaalooyinka qaar ay iska ilaaliyaan oo aanay muujin caalamad gaar si aanan looga aqoonsan dadka kale.

Balse waxa uu dibedbaxa ka sheegay in boqolkiiba boqol loo baahanyahay in la xushmeeyo Yahuuda,Muslimiinta iyo Muhaajiriintaba.

Dibedbax kale oo aan sii ballaarnayn oo ka dhacayay degmo ay ku badanyihiin muhaajiriinta ayaa la joojiyay kadib markii saddexdii nin ee dibed baxayayba lala dagaalay sidoo kalana laga dal-dallaaciyay calankii Yahuudda oo ay siteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker