Al-qaacida oo sheegatay weerar lagu dilay ku dhawaad 30 askari dalka Burkina Faso

Kooxda Al-Qaacida ee Jama’at Nusrat al-Islam wal Muslimeen (JNIM) oo fadhigeedu yahay gobolka Sahel ayaa sheegtay weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo marayey Burkina Faso oo ay ku dileen in ka badan toban askari bishii hore, sida ay sheegtay kooxda sirdoonka SITE Talaadadii.

Xoogagga Islaamiyiin ah ayaa weerar ku qaaday kolonyo sahay u waday magaalo ku taal waqooyiga Burkina Faso Sebtembar 26-keedii, maalmo kahor inta aan dalka ku yaal galbeedka Afrika lagu qabsan markii labaad afgambi militari markii sanadkan.

JNIM ayaa sheegtey inay mas’uul ka tahay weerarka gaadmada ah oo ay sheegtay in uu sababay khasaare dhaqaale oo baaxad leh oo soo gaaray waxa ay ugu yeerto cadawga.

Weerarkan ayaa horseeday isbedel derajooyinka saraakiisha ciidamada Burkina Faso,taas oo ku dhammaatay afgambigii militariga”,ayaa lagu yiri bayaanka SITE.

11-askari ayaa meydkooda la helay halka ku dhawaad 50-qof oo rayid ah lagu la’yahay weerarka kadib, sida ay dowladii hore sheegtay.

Balse dukumeenti dhanka amniga gudaha ah oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters Talaadadii ayaa lagu sheegay dhimashada 27 askari.

 

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker