Colaadda Ceel-Afwayn Oo Si Cadaaladda Loo Damiyo, Waa Bad-Baadada Qaranka Somaliland. Qalinkii:Saxafi Madax Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

Colaada Ceel-afwayn ee labadda beelood Ee Walaalaha ah ku dhexmartay deegaamadda Ceel-afwayn, Colaada dawaddeeda haddaanay culimaddu runta ka sheegin, oo Xukuumaddu uga fara dhuudhuubato, Nabad ka islaaxaysa deegaanka ceel-afwayn ma jirayso, go’aamadda Culimaddu waa inay noqdaan, oo gogosha nabadaynta intaan laga kicin M/wayne ku xigeenku fuliyaa, isagoo uu Soo wakiishay M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland, qodobadda waxaa ka mida:-
1. Sarkaal Caare iyo Jabhaddiisa inay Milaterigu gacanta ku soo dhigaan, haddii ay Is-dhiibi waayaana milaterigu awoodiisa Isticmaalo.
2. Labadda beelood ee lays horfadhiisinayaa Waa inay noqdaan maleeshiyaadka iska soo Horjeeda aabayaashood, adeeradood ruma, Walaaladood iyo ilmaadeeradood ruma, ee Aanay noqon ragg caloolo waawayn oo degan
Magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo.
3. Culimaddu waa inay M/wayne ku xigeenka Khasab kaga dhigaan intaan go’gosha laga kicin in M/wayne Muuse Biixi uu Tv-ga soo Fadhiisto, kuna dhawaaqo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

4. Beeluhu haddii ay dhimashadda iyo dhaawaca ay dad is dheeraadaan loo kala Qaado Mag iyo Dhaawac lagu bixinayo bil gudaheed.
5. Labadda beelood waa in la kala raraa dhul daaqsimeedka, baliyadda iyo ceelasha Xooluhu ka cabaan ama dadku ka dhaansadaan.
6. Beelkastaaba deegaanka ay ku badan tahay waa inay u guuraan, beeshii jebisana sharciga lala tiigsado.

7. Beeshii qof kibir ku disha, oo gacan ku dhiig lahooda qarisa ama ka barbar dagaalanta waa in loo dalbaddo milateriga oo xoolahooda geel iyo adhiba wixii u daaqaya xukuumaddu la Wareegto, inta gacan ku dhiiglaha la soo gacan gelinayo oo loo qisaasi lahaa beeshii qofka laga dilay.
8. Beelaha Somaliland waa inaan laga Ogolaan Beeshii Qof kibir ku disha, Magtii ay ku Khasbi jireen odayaasha afku dhiiglayaasha ah ee Beelaha hor booda beesha qofka laga dilo.
9. M/wayne Muuse Biixi waa inuu fuliyo Qisaasta Gacan ku dhiiglayaasha ah ee Xabsiyadda Somaliland Buux-dhaafiyey.

10. M/waynuhu waa inuu fuliyo qisaasta, qofkii qof kibir ku dila in loo dilayo ama loo qisaasayo intaan qofka la dilay la aasin ama la duugin.
11. M/waynuhu haddii uu sida ugu dhaqsaha Badan u dhaqan gelin waayo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, oo uu gaalo raali Geliyo, waa inuu ogaado dhiiga daadanaya Inuu qaybta ugu wayn uu ku leeyahay oo Allaah(Swt) if iyo aakhiraba ku jarayo ama ku Cadaabayo.

Qodobaddaas haddii M/waynuhu siday tahay u fulin waayo, Oo Beeshiisu tidhaahdo beesha hargaysa ka degaanka ah ayaa Wax ku yeeli karta Beesha habar yoonis ama Garxajis ha noqotee, oo beesha habar jeclo u cabiidi,oo khaladkasta yaga

Dusha ha laga saaro, si madaxtinimadaadu u nabadgasho, oo

Taliye Caarena ama hogaamiye Qabiil Caarena cafi, oo dalacsii, oo maleeshiyadda la socotana ha la qarameeyo, waxay keenaysaa in beelaha habar jeclo oo ugu badan milateriga,uguna hub badan inay furinta tuko raq ka soo dhaqaaqaan oo ay ka barbar dagaalamaan tolkood biciide yoonis, qaranimadda somalilandna ay ku dhacdo god madoow iyo dagaaladda oo ku fida goboladda kale ee somaliland,maamulka putlandna ay u fududaato qabsashadda laas-caanood iyo barigga sanaag.

Allaah(Swt) Xakha ha ina garansiiyo, hana inaga yeelo kuwii Quraanka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) barta, kuna dhaqma. aamiin aamiin aamiin Insha Allaah.

 

 

ahmed adem mohamoud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker