Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga UCID Ee Faysal Cali waraabe Iyo Cabdinaasir Qodax

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu kaga hadlayo khilaafka soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe Iyo Cabdinaasir Qodax ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga :–

 

” Muddo 20 sanadood ka badan CabdiNasir oo xildhibaanada UCID ee Gobolka Maroodijeex ka mid ahi wuxu ahaan jiray gacanta midig ee Gudoomiye Faysal. Sadex goor oo Faysal uu u tartamay Madaxwayne oo sadexdaba uu dhacay CabdiNasir marna kamuu baydh Faysal. Xildhibaan CabdiNasir oo hankiisu yahay in uu u ordo Gudoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada qof ahaan iyo aqoon ahaanna u bisil una qalma jagadaasi waxa laga yaabaa in caqabad ugu wayn uu ku noqdo heshiiska labada xisbi ee mucaaridku. Shirgudoonka codka lagu dooranayaa maaha sidii Dawladaha Hoose cod haldheeri ah ee wuxu noqonayaa cod badnaanshe-buuxa ah(absolute majority) oo ah kala badh tirada guud ee xildhibaanada Golaha iyo hal cod oo noqonaya (42cod). Xogo u dhuundaloola isbahaysiga mucaaridka ayaa tibaaxaya in Gudoomiyaha loo wado Xildhibaan Cabdirazaaq Khaliif oo WADDANI halka labada ku xigeenna la siinayo UCID balse heshiiska labada xisbi yahay in ay kala noqdaan Xildhibaan Cumar Jaamac iyo Xildhibaan Cali Xaamud oo ka soo kala jeeda gobolada Sanaag iyo Awdal. Hadii ay sidaasi run tahay Xildhibaan CabdiNasir iyo Guddoomiyaha xisbigiisu waxa muuqata in aanay wada socon ee ay kala socdaan taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay labadoodu talo ku kala baydhaan. Si kastaba xaalku ha ahaado eh Xildhibaan CabdiNasir heshiiska labada xisbi kuma qasbi karo in uu ka hadho tartanka ee sharci ahaan isaga ayaa xaq u leh in uu tartamo iyo in uu tanaasulo labadaba.  ”

W/Q Cali Guray

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker