Qarax ka dhacay Misaajid ku yaalla dalka Nigeria

Wararka ka imanaya dalkaasi Nigeria ayaa sheegaya in dad isa soo miidaamiyay ay ugu yaraan 4 qof ku dileen, dad bandanna ay ku dhaweceen Misaajid ku yaalla Waqooyi bari magaalada Bama ee gobolka Borno. Saraakisha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in laba dhalinyaro oo rag iyo dumar kala ah oo isa soomidamiyay ay masjid gudaha u galeen ka dibna ay isqarxiyeen xilli lagu guda jiray salaada subax. Dhaawacyada ayaa waxaa loo qaaday cisbitaalka guud ee magaalada Maiduguri oo toddobaatan kiloomitar u jirta magaalada Bama oo ah goobta weerarku ka dhacay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi balse mintidiinta Boko xaram ayaa deegannadaasi ka howlgala. Dowladdana waxay sheegaysa inay guulo muhiim ah ka gaartay dagaalka ka dhan ah Boko xaraam ee waqooyi bariga dalka balse weli waxay u muuqata in maleshiyaadkan ay weli awood u leyihiin inay weeraro culus qaadan.

Nigeria ayaa la daalaadheceysay dhibaatoyin amni darro ah oo is xig xigay. Maalmihii lasoo dhaafay tiro dad ah ayaa lagu dilay weerar loo maleynayo inay geysteen burcadda xoolaha dhacda ee gobolka waqooyi galbeed ee Zamfara, halka gobolka bartamahana ay xisad ka dex taagantahay beeraleyda iyo xoola dhaqatada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker