Guddida Fulinta ee xisbiga Waddani oo xubno gacan saar la lahaa xukuumadda Caydhisay iyo magacyadooda

shirdeg-dag ah oo ay saaka iskugu yimaadeen guddida fulinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxa ay xilalkii iyo xubinimaddii xisbiga ba ay kaga qaateen mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsanaa Xisbigaasi oo ka hor yimi isla mar ahaantaana jabiyey shuruucda iyo xeerarka Xisbigaasi.

 

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dhaxe ee Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah xilalkii iyo xubinimadii ba kaga qaadeen.

 

1. Md.Cismaan Ibraahim Warsame Daahir(Golaha Dhaxe iyo xubinimaddii ba)
2. Md.Abiibakar Sh.Xuseen Meeceed(Hoggaanka, Fulinta, golaha dhaxe, iyo xubinimaddii ba).
3. Md.Faarax Cilmi Geedoole(Fulinta, Golaha Dhaxe iyo xubinimaddii ba)
4. Xamse Xasan Cabdiraxmaan(Xoghaye ku xigeenka amniga, golaha dhaxe iyo xubinimaddii).

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker