Maxaa ka jira Degmada baligubadle ?!!!

Annagoo ah aqoonyahanka gobolka hawd waxaan  halkan ka salmayaanaa  dhamaan shabakadaha warbaahinta ee madaxa banaan, annaga oo uga mahad celinayana wararka hufan ee ay bulshada u soo tabiyaan,

annaga oo ka hadlayna mawduuc aad iyo aad ugu muhiimsan bulshada ku dhaqan gobolka hawd, mawduucan oo ka waramaya horumarka ka jira gobolka hawd oo wakhtiyadan dambe soo kordhay isla markaana laga dareemayo dardar gelinta iyo dhaqaalaha baaxada leh ee wakhti xaadirkan soo gala gobolka iyo sida muuqta ee uu ku xardhan yahay xooghayaha fulinta ee dawlada hoose baligubadle Mudane Cabdikariim Cabdiraxmaan Madar, oo ah wiil dhalinyaro ah oo si fiican uga dhex muuqda xoghaynaha kale ee wadanka iyo sida ka dhex muuqta  waxqabadka degmada uu joogo, annaga oo taageero buuxda siinayna maamulka sare ee gobolka hawd, waxaan aad iyo aad u taageeraynaa in ay hawshooda halkaas ka sii wadaan.

Aqoonyahanka gobolka hawd u maqan dal iyo dibada waxaay taageero buuxda siinayaan, kuna bogaadinayaan shaqaday hayaaan maamulka gobolku, annaga oo ka balan qaadayna inaan garabkooga istaagno.

Haddaba waxa jira dad ka soo hor jeeda wanaaga ama waxqabadka hufan ee ay hayaan ee waxaan ka codsanayaa masuuliyiinta ka hawl gala degmada baligubadle in aanay gadh u dhigin dadka fikirka liita ee sida xun u fikiraya.

Sidoo kale waxaan faraynaa dawlada ku hawlan in gobolada qaar lugu daro horumarinta, qaarna laga reebo oo waliba gobolka hawd uu ugu horeeyo waxaan leenahay in laga daayo cadaalad xumada ka jirta saam qaybsiga horumarka wadanka.

Waxaan ku soo af meeraynaa in bulshada ku dhaqan gobolka hawd gaar ahaan caasimada baligubadle ay isku xidhnadaan oo ay meel uga soo wala jeedsadaan dadka waxyeelaynaya deegaankooda, oo ay ugu horeeyaan dadka sida xun u fikiraya ee ku dhex nool, waxaan sidoo kale halkan uga mahad celinayaa maamulka degmada baligubadle ee uu ugu horeeyo Cabdi Iiman Jaamac Maayirka Degmada Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Markasta Garab Taagan Xooghaye Cabdikariim Cabdiraxmaan Madar.

FG: mawduucan waxa qoray qaar ka mid ah aqoonyahanka gobolka hawd eek u dhaqan wadanka dibadiisa.

Qoryaal : Dhalinyarada Gobolka Hawd

London – Uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker