Qaybtii 2aad .Hammi iyo Hagardaamo. W/Q:Abdirashiid Awmuuse Aadan.

Mashaariicda dawliga ah ee aan midho dhalin mudada dheerna kolba dhagax cusub la sii dhigayay ee Somaliland ee ay ka mid ka yihiin Biyaha Hargaysa iyo mashruuca wadada isku xidha berbara iyo Dalka ethiopia (Berbara Corridor) ayaan hore u tilmaamay .

Waxaa la mida Waddooyinka dalka iyo qaar kamida kaabayaasha dhaqaalaha oo iyna la majro habaabiyay.

Waxaa gabi ahaanba shacabka reer somaliland saluugaan Habka wadooyinka dalka ay dawladu u hir galiso, waxaad arkaysa Waddooyin ay sameeyaan Dawladaha hoose oo dhawaan fartana laga qaaday oo mudo aan Shan bilood gaadhin meeshaba ka baxday waana waxaad layaabayso.

Sababtu waxa weeye waxaanay helin Wixii wadadu tayo ku yeelan lahayd , waxba yaynaan helin dhamaan waxyaabaha wadad tayo uyeela lkn wax Boqolkiiba kontan (50%) ka dhiga miyaynu waynu 1 km ahaatee.??!!

Wadooyinka somaliland laga hir galiyo iyo kuwa wadamada jaar bal ha la isku eego,
Taa waxaa dheer wadooyinka badankoodu waxaa gacanta ku haya Beelo oo leh waanu damaysanaynaa intee in leeg ayay beelo samayn karaan wado tayo leh oo malaayiin doolar ku baxayso.

Gabagabadii waxaa hada qabyo ah in kabadan 11 waddo oo waawayn oo ah kuwa degmooyinka iyo gobolada isku xidhi lahaa , waxaa daadku qaaday Oo lasheegaayaa in ay baabaday wadadii ceerigaabo ee dawladuhu ololaha badan ku galeen oo daadu baabiiyay .
Hadaba maxaa ka qalfan havkan aynu wadooyinka usamaysano ma iliilad biyo racaan ayaa loogu tala galay mise waa wadooyin.!!

W/Q:Abdirashiid Awmuuse Aadan. (rashaad055@hotmail.com).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker