Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Khamri Iyo Dadkii Ka Ganacsanaayay

Ciidanka Booliska  Somaliland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa  , iyagoona gacanta kusoo dhigay khamri farabadan.

Ciidanka amniga ayaa maanrooriyaha khamriga kasoo qabtay Guri ku yaalla xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa oo lagu qarinaayay, kadib markii dadka deegaanka ku wargeliyeen in maandooriye lagu iibinayo xaafadda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland G/sare Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in 500 litir oo khamri ah la qabtay iyo 3 caagadood, kuwaasi oo si qarsoodi ah loogu iibinayay gudaha Hargeysa.

 

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in khamriga lala soo qabtay laba eedeeysane iyo gaadhi ay wateen, kuwaasi oo uu tilmaamay Afhayeenka in la xidhay, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

 

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku jiraan howlgal ballaaran oo looga hortegayo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, wuxuuna Digniin u diray dadka ganacsada maandooriyaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker