Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Magacaabis Sameeyey,Masuuliyiintii Baanka Dhexe Iyo Gudidii Qandaraasyadda Oo Uu Shaqada Ka Caydhiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan:

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay:                  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey,

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi

Guddoomiyaha Baanka Dhexe

2.

Axmed Xasan  Cabdi Carwo

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe

3.

Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

4.

Cabdirashiid Cabdillaahi Hande

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal

5.

Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada

 

 

 

Guddida Qandaraasyada Qaranka

 

Tir

Magaca

Xilka

1.

Nuux Maxamed Xuseen Aadan

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka

2.

Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Bidhaan

Guddoomiye Ku –xigeen Guddida Qandaraasyada Qaranka

3.

Cabdi Giire Jaamac Kadiye

Xubin

4.

Maxamuud Aadan Maal

Xubin

5.

Cabdi Faarax Ducaale

Xubin

6.

Maxamed Diiriye Xayd Nuur (Dib-jir)

Xubin

7.

Caasha Cabdillaahi Cilmi

Xubin

8.

Maxamuud Axmed Xirsi Baar-cad

Xubin

Masuuliyiinta aan xilalka ka qaadayna waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker