Aaladaha Sirdoonka Iyo Dilalka Ay Geystaan!

Weriyihii Georgi Ivanov Markov waxa uu dhashay  1da Maarso, sanadkii 1929, waxaana uu ahaa qoraa iyo suxufi caan ah oo curin jiray sheekooyinka kana soo jeeda dalka Bulgariya. Sanadkii 1968 ayuu Idaacadda BBC weriya ka noqday.

Suxufigan aya aad uga soo horjedaay shuuciyadda iyo nidaamkii dalkiisa. Weriye Georgi Waxa kale oo uu wakhtigaa wariye u aha Idacaaddii  Yurubta xorta ah oo Maraykanku maalgein jiray  iyo Idaacaddii Jarmalka Gableed ee Radio Dotshabelle.

Weriyahan oo ay aad u colaadinayeen nidaamkii shuuciga ah ee dalaka bariga ee Aabaha u ahaa Midowgii Sofiyeetiga ee burburay ayaa wakhtiyo badan ka nabad galay shirqoolo ay ku dilayeen sirdoonadkii Bulgariya iyo KGB-dii Ruushka. laakiin sanadkii 1978 bishii September 11 ayay KGB shirqoolka dilkiisa u adeegsatay dalaayad sun ahayd oo qof aga marayay ku muday. Dalayaadda waxay jidhkiisa u gudbisay sun, iyadoo muddo yar ka dibna dhiigiisu uu isu rogay xinjir oo uu sidaasi ku dhintay.  Baadhista dhakhaatiirta ayaa cadaysy in dhiigiisa sun laga helay, isla markaana uu ka tegay dareerihii u ahaa isagoo isu rogay xinjir fadhida.

Dadka ka nabad galay shirqooladii dagaalka qaboobay waxa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Cuba Mr.Fidel Castro kaasi oo in ka badan 50 jeer CIA Maraykanka isku deyday inay khaarijso laakiin dhamaantood ka nabad galay. Kuwa ugu yaabka badanaa waxa ka mid ah markii bakteeriya loogu abuuray dharka uu xidho iyo mar Sigaar loo keenay sun lagu sameeyay. Dhaman iskud eydaasi way fashilmeen. Isagoo ugu danbaystii dalkiisa ku dhintay bishii Desember sanadkii 2016.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker