Xilliga Lasoo Gaba-gebaynayo Howlgalka ATMIS Ee Soomaaliya Oo Laysku Raacay

Shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga dalka oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

“Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Qorshahan ayaa dhabbaha u jeexaya soo afjaridda magaca Hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyada oo la isku raacay in magaca Hawl-galku noqdo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si buuxdana loo soo gabagabeeyo Sannadka 2024-ka.

“Dhanka kale, waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker